Home Wararka Maanta Raysulwasaare Xamze oo Shirkii ugu Horeeyey oo Caalami ah ka Qayb galaya...

Raysulwasaare Xamze oo Shirkii ugu Horeeyey oo Caalami ah ka Qayb galaya Tan iyo Doorashadiisii(Sawiro)

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xalay gaaray magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga la socda.

Xamza ayaa waxaa garoonka ugu tegay oo soo dhoweeyey Wasiirka Gaashaandhigga Tuniisiya, Imed Memmich iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dalkaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka qayb-galaya shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika (TICAD) kaasi oo maanta ka furmaya Tunis, wuxuuna socon doono muddo laba cisho ah.

Sidoo kale waxaa shirweynahaan qayb ka ah madaxda Afrika & Ururrada ka jira Qaaradda, halka Ra’iisul Wasaaraha Japan Kishida Fumio uu uga qaybgalayo aaladda Fogaan-aragga.

Dowladda Japan waxa ay shirkaan ugu talagashay in ay ku xoojiso xiriirka ganacsi iyo midka siyaasadeed ee ay la deedahay Qaaradda Afrika.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa inta uu joogo Tunis wuxuu kulamo doceedyo la yeelan doonaa madaxda ka soo qayb-galeyso shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika, isaga oo kala hadli doonaa maalgashiga dalka Soomaaliya

 

 

 

Ad
Previous articleNinkii Dilay Wasiir ka Cadaalada Koonfurgalbeed oo La Toogtay
Next articleWilliam Ruto oo Maxkamada sare ee Kenya u gudbiyay codsi ka dhan ah Raila Odinga