Home Wararka Maanta Raysulwasaare Rooble oo Daahfuray Shirwayne Qaran oo Midowga Musharixiintu ka Qaybgaleen(Sawiro)

Raysulwasaare Rooble oo Daahfuray Shirwayne Qaran oo Midowga Musharixiintu ka Qaybgaleen(Sawiro)

0
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo diiradda lagu saarayo sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta ba’an ee dalka ka jira.
 
Shirka waxaa ka qeyb galaya madaxweyneyaasha dowald-goboleedyada, Midowga Musharixiinta , siyaasiyiin iyo qeybaha kale duwan ee bulshada sida Ganacsatada, Culimaa’udiinka, Haweenka, Dhallinyarada, Odayaasha dhaqanka, bahda waxbarashada.
 
Shirweynahan maanta ka furmay magaalada Muqdisho waxaana ujeedkiisu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed uga qeyb qaadan lahaa gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.
 
Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay shirkweynaha Qaran ee gurmadka abaaraha ayaa umadda Soomaaliyeed ee wax heesata ka codsaday in ay gacan ka geestaan sidii gurmad qaran loogu fidin lahaa dadku ay abaaruhu saameeyeen.
Ad
Previous articleGuud ahaan Kuraasta Gobalada Wooqooyi oo lasoo gabagabeeyey iyo P.M Rooble oo goob joog ahaa(Sawiro)
Next articleDeg Deg Deni oo Lagu Qarxiyay Magaalada Bosaaso