Home Wararka Maanta Raysulwasaaraha Soomaaliya oo dhagax Dhigay Tuulada…

Raysulwasaaraha Soomaaliya oo dhagax Dhigay Tuulada…

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsza Cabdi Barre oo dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda dhagax dhiga ka sheegay in dhismaha mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada xukuumadda Dan-Qaran ee horumarinta isboortiga iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Qeybaha dib-u-dhiska lagu sameynayo ee maanta la dhagax-dhigay oo ka kooban, dayactirka garoonka kubadda cagta, iyo dib-u-dhiska qqeybaha koleyga, dabaasha, orodka iyo qeybo kale, ayaa waxaa maalgashanaya shirkad ay leeyihiin dhallinyaro Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaaraha ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka dalka iyo bilicda caasimadda, islamarkaana ay xoojinayso shaqo abuurka dhallinyarada, dhaqaalaha iyo dalxiiska.

Ugu dambeyntiina wuxuu ra’iisul wasaaraha uga mahad-celiyey wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha dadaalkeeda la xiriira horumarinta isboortiga dalka.

Tartankii dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee sanadkan ka dhacay garoonka ayaa muujiyay xiisaha bulshada u qabaan isboortiga, taas oo dowladda ku dhiiri-gelisay in la dhammeystiro qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay garoonka, si loo soo celiyo qeybihii kale ee ka maqnaa tartanka, tani oo fursad siinaysa dhallinyarada leh.

Ad
Previous articleDagaal goordhow Ka Qarxay Duleedka Degmada Cadale
Next articleDagaal Qaraar oo Maantay Ka Dhacay Lubnaan oo askar Israil ah lagu laayay