Ra’isul Wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Barre ayaa 23-kii bishii April ee sannadkan xilka ka qaaday Maareeyihii guud ee hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Mudane Aadan Xasan Barre.
Wareegto uu xilligaasi soo saaray Ra’isul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble ayuu xilka maareeyaha guud ee hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed si KMG ah ugu magacaabay Burhaam Iimaan Axmed.
Ra’isul Wasaaraha cusub Xamse Cabdi Barre oon wali soo dhisin xukuumad cusub ayaa durba meesha uga saaray wareegtadii Rooble, waxa uuna shaqada kusoo celiyay maareeyihii horey xilka looga qaaday, iyada oon la baarin sababtii xilka looga qaaday.
Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in shaqo kusoo celinta maareeyihii hore ee hay’adda Tayo-dhowrka ka dambeeyaan xubno katirsan xafiiska Ra’isul wasaaraha oo arrintan dhaqaale ku qaatay iyo sidoo kale siyaasiyiin ku heyb ah maareeyaha.
Sida aan xogta ku heleyno maareeyahan shaqada dib loogu soo celiyay oo qabiil ahaan kasoo jeeda beesha Daarood ayaa lagu cadaadiyay Xamse Barre in dib usoo celiyo kana dhigo wareegtadii Rooble waxba kama jiraan.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in aragtida xilligan ka xoog badan tahay qabyaalada ayna suurto gal tahay in xubno xilal haya qaab beeleed xilkooda ku waayaan, halka kuwa horey xilal looga qaadayna lagu soo celiyo qabyaalad jaceyl.