Home Wararka Somaliya Galmudug Ra”isul Wasaaraha Soomaaliya oo Magacaabay Wasiiro Cusub

Ra”isul Wasaaraha Soomaaliya oo Magacaabay Wasiiro Cusub

0

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah:

Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo
Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni) oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska.

 

Ad
Previous articleSacuudiga oo dib u furaya Safaaradda ay ku leeyihiin Soomaaliya
Next articleDeg Deg Agaasimihii Radio Muqdisho C/casiis Afrika oo Geeriyooday.