Home Wararka Maanta Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble oo Afka Furtay Carana kala dul dhacay dowlada...

Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble oo Afka Furtay Carana kala dul dhacay dowlada Xasan shiikh

0

Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble “Nin Ciid kugu rogay waxaa la dhahay waxba kuma gaarsiin, laakiin calooshiis ayuu ku tusay

Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ka hadlayay munaasabad lagu soo dhoweynayay oo ay qabteen Jaaliyadda Johanesburg ayaa markii u horeysay xaqiijiyay in safarkiisa uu kala kulmay caqabado kaga yimid dhanka dowladda oo xubno ka mid ah wafdigiisa ay uga hareen caqabadaas.

“Safarkii aan halkan ku imaaneynay caqabado ayaa dhacay sidii rabaan ha u dhacaan, laga soo bilaabo 1-dii bishaan February ilaa 20-kii oo aan diyaaradda usoo raaceynay Johanesburg aniga iyo asxaabteyda waxaan rabnay mar kasta in aan arrintaas ka hadlin wixii dhacayna aan duu-duub u laqno oo aanan dhib geysan, wixii dhacay waa dhaceen saaxibo naga mid ah dhibkii dhacay ayay u hareen mana ka xumi, wax dhibaato leh ma ahan, waana xalineynaa marka Soomaaliya ku noqono, kuwii dhibka geystay waxaan u sheegaynaa in aysan dadka u dowladeyn sidii dowlad inay dadka ula dhaqmaan ayaa rajeynayaa kuna boorinayaa”

Ra’iisul Wasaare hore Rooble ayaa ugu baaqay Madaxda hadda talada heysa in wixii shalay uu diiday aysan dalka dib ugu celin, isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu kor iyo hoos ugu sheegi doono wixii shalay uu ka diiday Farmaajo.

“Dalkaan laguma xukumi karo waxaan aniga igu fiican yihiin iyo adiga kuguma fiicno, se waxaa lagu xukumi karaa shuruuc iyo wax heshiis lagu yahay shuruucdaas waa inay noqotaa wax loo hoggaansanaado tallaabo kasta waa inay noqotaa mid heshiis lagu wada yahay”

Ad
Previous articlenin Hubaysan oo Askar iyo shacab ku laayay Dalka faransiiska
Next articleAadan Madoobe oo Dib u fasaxay Xikdhibqanadii uu Fadhiga baarlamaanka ka mamnuucay