Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminayo ayaa saakiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya bishii June ee sanadkii 2022-kii.
Xamza ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo uu wadahadallo kula yeelan doono Nairobi.
Ujeedka booqashadan ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaaya wafdi ballaaran, ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo uu ku tagaayo booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada Dal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in safarka ra’iisul wasaare Xamza uu ku saabsan yahay dib u eegis lagu sameynayo iskaashiga labada waddan oo ay ka mid yihiin amniga iyo difaaca wadajirka ah.