Home Wararka Maanta Ra’iisul Wasaare Rooble oo Magacaabay Gudi u Xilsaaran Khalalaasihii ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Magacaabay Gudi u Xilsaaran Khalalaasihii ka dhacay Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roole ayaa waxaa uu Guddi u saaray dagaalkii Magaalada Muqdisho ku dhex-maray 25-kii Bishii Apriil Ciidamo taagersan Madaxtooyada iyo kuwo kasoo horjeeday muddo kordhinta.

Qoraal kasoo baxay Xafiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lau sheegay in iyad aoo laga jawaabayo Go’ankii uu Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Ra’iisul Wasaaraha ugu wareejiyay howlaha doorashada & Amniga guddigaan la Magacaabay.

Guddiga oo ka kooban 11 Xubnood ayaa laga soo kala xulay Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Xubnaha mucaaradka,waxaana ay ka Shaqeyn doonaa kasoo tala bixinta & xal ka gaarista khalalaasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.

1: Wasiir Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale

2: Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax

Guddoomiye

3: Wasiirka Gaashaandhigga  Xukuumadda Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji

Xubin

  1. Mudane: Cabdi Sheekh Axmed Rooble

Xubin

  1. Mudane: Farxaan Cali Axmed

Xubin

  1. Mudane: Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Xubin

  1. Senatore Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)

Xubin

  1. Senatore Yuusuf Geelle Ugaas (Ugaas Dhagey)

Xubin

  1. Senatore Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer)

Xubin

  1. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur

Xubin

  1. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad

Xubin

Xubnaha Guddiga oo uu Ra’iisul Wasaaraha magacaabay ayaa waxaa  Waajibaadka laga sugayo uu yahay.

  1. Xalinta caqabadaha saameeyey Ciidamada ee ka dhashay arrimaha

siyaasadda.

  1. Dib-u-celinta Ciidamadii ka soo baxay furimaha ee soo galay Magaalada

Muqdisho.

  1. Baabi’inta calaamadii ka dhashay shaqaaqadii ka dhacday Magaalada

In Guddiga howshiisa xal ka gaariska khalalaasaha uu ku soo gaba-gabeeyo muddo Shan (5) casho gudahood.

Waxaa xubnaha Guddigan la farayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan u gutaan howlaha loo igmaday kana keenaan gungaar dhameystiran.

Guddiga waxa uu bilaabayaa howshiisa laga bilaabo maalinta warqaddan la saxiixo lana shabadeeyo.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleCiidamadii ka gadooday muddo kordhinta oo shuruud ku xiray inay ka baxaan Muqdisho
Next articleBoqorka Sacuudi Carabiya Salman Bin Abdulaziz oo Wiilkiisa iyo Xubo kale u Magacaabay Xilal Sare