Home Wararka Maanta Ragii Mudug ku Dilay Cabdiraxman Maxamed Afrax oo Xadka Kenya Laga Soo...

Ragii Mudug ku Dilay Cabdiraxman Maxamed Afrax oo Xadka Kenya Laga Soo Qabtay(Sawiro)

0

Taliska ciidanka booliska ee maamulka Jubaland ayaa ku wareejiyay ciidanka booliska Puntland , gaar ahaan qeybta gobolka Mudug labo eedeysane oo dil horey uga geestay gobolka Mudug, kuwaa oo dilka kaddib u baxsady gobolka Jubadda Hoose.

Booliiska Jubbaland ayaana howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay eedaysanayaal lagu kala magacaabo Cawil Ciise Xirsi iyo Aadan Cilmi Ciise kuwaaas oo ku eedeysan in 𝟐𝟗/𝟏/𝟐𝟎𝟐𝟒 degmada Jariiban ay ku dileen Marxuum Cabdiraxman Maxamed Afrax.

Raggan dilka geestay ayaana booliiska Jubbaland kasoo qabteen xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, xilli ay doonayeen in gudaha u galaan dalka Kenya, waxaana raggan laga dejiyay magaalada Gaalkacyo, iyadoona lagu wareejiyay booliiska Puntland.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland, Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf ayaana kaga mahadceliyay booliiska Jubbaland soo qabashada raggan dilka ku eedeysnaa, waxa uuna taliyaha xusay in raggan caddaaladda la horgeyn doono .

Dadka dilalka geesta ayaa marakii hore u baxsan jiray gobolo iyo deegaanno kale oo dalka katirsan, hasa ahaatee waxaa hadda adkaatay in gacankudhiiglayaasha helaan gabaad, iyadoona laga soo qabto meel kasta oo ay tagaan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidamadii Ugu Badnaa oo Beeshaan u Dirtay Furimaha Dagaalka
Next articleMaxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir oo ku Dhawaaqday ina Agaasimayaashaan Danbi ku Waysay