Xubna ka tirsan AS oo baxsad ah ayaa isku soo dhiibay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud.
laba Horjooge oo ka tirsanaa kooxda Argagixisada ah ee AS islamarkaana ku hubeeysan laba qoray oo AK-47 ah ayaa isku soo dhiibay Ciidamada xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Degmada Ceeldheer, xubnahaan ayaa qayb ka ahaa maleeshiyaadka ku dhuu-maaleeysanayay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Ceel-dheer iyo Cowswayne.
Ciidamada XDS ayay la soo sameeyeen xariir, waxaana hada gacanta ku haaya geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliya.
Ad