Home Wararka Maanta Rag hubeysan oo arday ku afduubtay Itoobiya

Rag hubeysan oo arday ku afduubtay Itoobiya

0

Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in dhowr arday jaamacadeed ay rag hubeysan ku afduubteen gobolka Oromia ee rabshaduhu ay ka socdaan.

Ciidamada ayaa gobolka kula dagaallamayay gobolka.

Ardayda ayaa kasoo laabanayay kulliyadahooda gobolka Amhara ee waqooyiga Itoobiya iyagoo kusii jeeday caasimadda Addis Ababa halkaasoo ay rag hubeysan ku istaajiyeen. Maamulka ayaan ka hadlin arrintan.

Sida ay sheegeen ardayda kasoo baxsatay ragga hubeysan, in ka badan 100 qof ayaa la afduubtay.

Mid ka mid ah dadka walaashiis la afduubtay ayaa BBC u sheegay in ragga hubeysan ay dalbadeen kumannaan kun oo doollar si ay usii daayaan.

Jaamacadda ardaydan ayaa sheegtay inay heshay warka afduubka, balse wax faahfaahin ah kama aysan bixin.

Afduubka madax-furasho lagu dalbado ayaa kusoo kordhayay Itoobiya. Horraantii sanadkan 20 shaqaale ayaa lagala baxay warshad sibirka sameysa oo uu leeyahay ninka ugu qanisan Afrika, Aliko Dangote. Goor dambe ayaa la sii daayay, balse qaabka lagu sii daayay ayaan weli caddeyn.

Ad
Previous articleAbiy ayaa shalay yiri: “Soomaaliya intii ay qarash badan ku bixin lahayd safarrada ay nagu dacweyneyso dugsi waxbarasho ha uga dhisto Muqdisho”
Next articleXilliga ay qabsoomeyso doorashada Jubaland oo la shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here