Home Wararka Maanta R/Wasaare ku-xigeenka oo guddoomiye ugu yeeray Firdhiye iyo caro ka dhalatay

R/Wasaare ku-xigeenka oo guddoomiye ugu yeeray Firdhiye iyo caro ka dhalatay

0

Ra’iisul wasaare kux-igeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobollada waqooyi ayaa xalay khudbad xasaasi ah oo hadal-heyn badan dhalisay ka jeediyay munaasabadda 26 June oo lagu qabtay Muqdisho.

Saalax oo ku hadal qabsaday hoggaamiyaha SSC Cabdulqaadir Firdhiye oo meesha fadhiyay ayaa ugu yeeray “GUDDOOMIYE” isaga oo ka hadlay taariikhda Somaliland iyo maalinta qaran ee 26 June oo ah markii ay xoroobeen gobollada waqooyi 64 sano kahor.

“1960 markii gobonimada la qaadanayay dareenkii jiray ma ahayn kan maanta jiray ee dadka lagu cabirayo, sida uu sheegay guddoomiye Firdhiye, gabaygana ay ka muuqatay AUN abwaan Kadiye xilli dadku quluubtoodu iyo rabitaankooda uu mid ahaa” ayuu ku yiri qayb kamid ah khudbaddiisa ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale isaga oo ka hadlayayu midnimada ayuu sheegay in loo baahan dhab ka hadal, si loo soo celiyo Somaliland oo haatan dooneysa inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale.

“Dhab ka hadla siyaaadeed ayaan u baahanay si loo baadi goobo dadkaasi waa dadkii taariikhda midnimada ku suntanaa oo iyagu keenay halkan door wayn ayaan ka qaadan doonaa in midnimada la baadi goobo” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenku.

Dhinaca kale hadalka kasoo yeeray mas’uulkan Soomaaliyeed ayaa dhaliyay caro xoogan, waxaana ka falceliyay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada.

Qaar kamid ah dadka ka hadlay arrintan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Firdhiye oo meesha joogay, isla-markaana metal SSC loogu yeero ereyga guddoomiye, halka qaarkood ay tilmaameen inuu Saalax ka hadlay arrimo xasaasi ah oo jiro

Maxamed Maxamuud “Waxaan qac waa dhaftay guddoomiye Fidhiye kulaaha isagoo hortiisa fidhiyo”.

Abdirashiid Cawil “Reerkaada ku-matasho ee kuma matashid SSC-Khaatumo ee waxaa metala wixii Somalinimada ogol oo u horeeeyo Xasan iyo Xamza”.

Amiin Cabdiraxmaan ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Gudoomiye kulaha Aar wuxu garacsana”.

Cabdiqani Cali Nuur “Waxan marqaati ka ahay nin siyaasi ah inuu yahay oo dadkiisi soo celin karo”.

Najmo Cabdiraxmaan ayaa iyaduna tiri “Gudoomiye Firdhiye miyuu yiri war ninku geesisanaa?#8221;.

Ad
Previous articleAbiya Axmed Oo Beeniyay inay ka Laabteen Aqoonsigii Soomaaliland
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Wali Kasocda aaga Saaxa Qurun iyo Gaadiid Dagaal oo lakala Gubay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here