Home Wararka Maanta Qunsulyadihii Garowe iyo Soomaalind ee Itoobiya oo Wali Si caadi ah U...

Qunsulyadihii Garowe iyo Soomaalind ee Itoobiya oo Wali Si caadi ah U shaqaynaaya Xili Dowlada Soomaaliya Xirtay

0

Sida aan Xog Rasmi ah ku Helnay  waxa aan shaqeyn go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku amartay in lagu xiro qunsuliyadaha Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe.

Amarka xirista qunsuliyadaha Itoobiya ayaa Golaha Wasiirrada Soomaaliya waxay soo saareen 4-tii bishaan, ayada oo uu ku ekaa Khamiistii shalay, welina dhaqan-gal ma noqon amarkaasi.

Labada qunsuliyadood ayaa si caadi ah u shaqeynaya haatan, ayada oo aysan jirin wax saameyn ah oo uu ku yeeshay amarka kasoo baxay dowladda fedaraalka Soomaaliya, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen illo-wareedyo muhiim ah.

Go’aanka dowladda federaalka ayaa waxaa horey gaashanka ugu daruuray Somaliland iyo Puntland oo ayagu sheegay in go’aannada dowladda federaalka aanu ka shaqeyn deegaanadooda.

Labada maamul ayaa mid walba gaarkiisa ugu faanay inuu xiriir saaxiibtinimo iyo mid ganacsi uu la leeyahay Itoobiya, oo xilligaan ay xiisad xooggan kala dhaxeyso dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo salka ku haysa damaca guracan ee badda.

Dowladda federaalka ayaa si weyn uga carootay tallaabooyinka isxig-xiga ee Itoobiya ee xad-gudubka ku ah madax-banaanida Soomaaliya, oo ay ugu dambeysay heshiiskii ay dhawaan Addis Ababa ku gaareen maamulka Puntland iyo xukuumadda Abiy.

Sidoo kale waxaa kasii horeeyay heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya ay la saxiixatay Somaliland, kaasi oo Muuse Biixi uu qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya uga beddelanayay Addis Ababa wax loogu yeeray “ictiraaf”, kaasi oo la kulmay diidmo horleh oo caalami ah.

Si kastaba, go’aankii todobaadkii hore kasoo baxay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayay dowladda ku sheegtay “in haddii uu dhaqan-gali waayo inay qaadayso tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso madax-banaanideeda dhuleed.”

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Beenisay War ka nixiyay Shacabka Soomaaliyeed oo kenya Faafisay
Next articleWar Deg Deg ah: Dagaal Culus oo ka Socda Magaalada Baraawe