Home Wararka Maanta Qorshe Halis ah oo farmaajo damacsanaa oo Banaanka Lasoo Dhigay

Qorshe Halis ah oo farmaajo damacsanaa oo Banaanka Lasoo Dhigay

0

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in madaxweynaha mudo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo uu wado abaabul ciidan xilli doorashada xildhibaanada labada aqal gebogebo mareyso.

Waare ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo doonayo in aan la aadin doorasho balse taas badelkeeda damacsan in dalka xukun milatari ku qabsado, waxa uuna xusay in qorshahaasi la wadaan taliyaasha ciidamada ee ku dhaw dhaw.

Waxa uu sheegay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle in shirar iyo dhaqdhaaqyo socdo Farmaajo ku doonayo in xoog talada kusii heesto, waxa uuna xusay in Farmaajo doonayo in dalka ku maamulo ciidamada Eritrea laga keenayo iyo kuwa Itoobiya ka imaanaya.

“ Farmaajo ma ahan mid doorasho rabo , wuxuu qorsheeyay in ciidamada Eritrea ku maqan ee lasoo tababaray iyo ciidamo kale oo Itoobiya ka imaanaya loo adeegsado in lagu qabsado dalka, dhaqdhaqaaqyada hadda socda iyo taliyayaasha lala shirayo waa qorshe culus ,” ayuu yiri Waare.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Hirshabelle ayaa imaanaya xilli uu wali jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, khilaafka ayaana hada ka taagan doorashada heer gebogebo ah mareysa .

Ad
Previous articleAabe Soomaaliyeed iyo laba Gabdhood oo Mataama ah oo uu Dhalay Oo Shil Gaari ku Geeriyooday
Next articleGuddiga Doorashooyinka oo Sheegay Xalka Looga Gudbi karo Caqabadaha Taagan