Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoorqoor) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Galmudug Mudane Shariif Abdinur, ayaa maanta Magaalada Cadaado ka xarig jaray suuqa xoolaha Degmada Cadaado oo loo dhisay si casriya.
Wasiir Shariif Cabdinur oo ka hadlay xarig jarka suuqa ayaa uga mahadceliyay mashruuca Barwaaqo iyo Maamulka Degmada Cadaado ka qeyb qadashada hir galinta suuqa, isagona dhanka kale shegay in bulshada Cadaado ay baahi wey u qaben helitanka suuq dabola dhaman bahidoda.
Ugu danbeyn Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoorqoor) ayaa dhankisa Wasaaradda iyo Maamulka Degmada uga mahadceliyay hirgalinta suuqa xoolaha ee Cadaado isagoona dhanka kale Madaxweynuhu ku bogadiyay Masu’liyinta Wasaaradda iyo shaqaalaha mudada yar oo ay ku hir galiyen suuqan sida casriga loo dhisay iyo baaxada dhulka uu ku fadhoyo oo dabolaya dhamaan bahiyaha Xoolaha Dhaqatada.
Xariga jarka suuqa ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug, Maamulka Gobolka Galgaduud, Maamulka Degmada Cadaado iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Cadaado.