Home Wararka Maanta Qoor Qoor oo Tageeray Qorshe uu Watay Madaxweyne Xasan shiikh

Qoor Qoor oo Tageeray Qorshe uu Watay Madaxweyne Xasan shiikh

0

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa bilaabay olole uu taageero ugu raadinayo meel-marinta heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhagan meel-marinta heshiiskaasi, wuxuuna qorsheynayaa in dhawaan la horgeeyo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa dhigaya in nidaamka Madaxtinimada dalka u guuro madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen iyo in doorasho wadajir ah ka dhacdo dowlad-goboleedyada dalka oo dhan.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo wax ka saxiixay heshiiskaasi, ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaan dowladda federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto maamulka Galmudug.

Qoor-Qoor ayaa Xildhibaannada laga soo doorto Galmudug ee uu kula shiray Muqdisho ka dalbaday meel-marinta heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran oo xubno kamid ah Xildhibaannada ay ka soo horjeedaan.

Kulankaan ayaa kusoo dhammaaday isfahan guud, iyada oo xildhibaannada inta badan ay soo dhaweeyeen codsiga madaxweyne Qoor-Qoor.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda maamullada iyo xukuumadda ku booriyay dardar-gelinta qorshahaan, iyada oo dhawaan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu Baydhaba iskugu geeyay inta badan Xildhibaanada labada Golle ee BFS ee kasoo jeedo maamulkaasi.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sidoo kale Xildhibaannada ka dalbaday meel-marinta heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran, ayada oo xusid mudan tahay in siyaasiyiinta mucaaradka ay si weyn u diidan yihiin meel-marinta qorshahan doorasho ee ay dowladdu doonayso inuu baarlamaanku ansixiyo.

Si kastaba, Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana sii xoogeysanaya ololaha lagu doonayo meel-marintiisa.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleDagaal Culus oo Markake Ka Dhex Qarxay xamaas iyo Israail Xili Xabad joojin Jirtay
Next articleKhayre iyo Shiikh Shariif oo Xamar Ka Wada Qorshe Culus oo Xasan Shiikh Qorshihiisa Muda kordhinta Looga Hortagaayo iyo Farmaajo oo Taageeray Xasan Shiikh