Home Wararka Maanta Qoor Qoor oo Maantay Ciidamado Maraykan ah kula kulmay Magaalada Hobyo Muxuu...

Qoor Qoor oo Maantay Ciidamado Maraykan ah kula kulmay Magaalada Hobyo Muxuu kala Hadlay?

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Maxamuud Cabdi Kaarshe ayaa maanta kulan la yeeshay saraakiisha taliska ciidamada Mareykankla AFRICOM ee Saldhigoodu yahay magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Saraakiisha AFRICOM xoojinta howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, isla markaana ay labo jibaaraan taageeradooda howlgalada dhinacyada cirka iyo dhulka ah ee ciidamada Soomaaliyeed ay dalka ka wadaan.

Madaxwayne Qoor Qoor ayaa Taliska Africom ka dalbaday in Galmudug ay kala shaqeeyaan dib u soo kabashada dadka degaanka ee dhibaatooyinka ay u gaysteen kooxda al-shabaab, sidii loogu samayn lahaa adeegyada bulshada sida Biyaha, Caafimaad, Waxbarshada oo dhammaan ay burburiyeen Argagixisadu sida uu yiri

Saraakiisha Taliska Africom ayaa balan qaaday inay joogtaynayaan howlgalladda ka dhanka ah alshabaab, waxayna ka mahadceliyeen wada shaqaynta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug kala dhexeysa, iyagoo dhanka kale tilmaamay inay garab taagan yihiin bulshada tabaalaysan ee reer Galmudug.

Taliska Maraykanka ee Africom ayaa ka mid ah saaxiibada dowladda Soomaaliyeed ka taageera la dagaalanka agagixisada iyo horumarinta adeegyada Bulshada meelaha laga saaro al-Shabaab

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleMareykanka oo cadeeyay mowqifkiisa qorshaha Ciidamada ATMIS looga Saraayo Soomaaliya
Next articleErdogan ” Sweden Yaysan Sugin Ku biirista NATO inta ay Ogolaaneyso Gubista Quraanka