Home Wararka Maanta Qoor Qoor oo ka Hadlay Qabashada Degmada Ceelbuur

Qoor Qoor oo ka Hadlay Qabashada Degmada Ceelbuur

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu hambalyeeyay ummadda Soomaaliyeed iyo bulshada reer Galmudug in argagaxisada khawaarijta laga xoreeyay degmada qaddiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciidamadda xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ee soo hooyay guusha taariikhiga ah.

Madaxweynaha ayaa yiri “ Xorreynta Ceelbuur iyo deegaannada kale, waxey ka dhigantahay gaaridda Galmudug ka caaggan argagixisada diiddan nolosha aadanaha iyo horumarka. Waxaan xoogga saareynaa gaarsiinta adeegyada bulsho oo ay dhiig miiratadu ka hortaagneyd dadweynaha muddo dheer. Dowladda Galmudug waxay si dhaqsaho ula soo gaareysaa dadweynaha adeegyada aasaasiga u ah noloshada aadanaha, waxayna ugu baaqeysaa hey’adaha gargaarka, saaxiibbad caalamiga ah in ay u hawlgalaan gaarsiinta adeegyada bulshada.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa yiri “ Dadweynaha ku nool deegaanada laga eryay Khawaarijta halakeysay waxaan la wadaageynaa farxadda, waxaana ciidanka geesiyada ah ku ammaaneynaa in ay dadweynaha reynreynta iyo naacawda xorriyada la wadaageen, una soo dhaweeyeen oo ay u muujiyaan wanaagga dowladnimada. Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dadweynaha iney ka qayb qaataan dhammeystirka aragagixisada, islamarkaana soo dhaweeyaan ciidamadda geesiyaasha iyo hay’adaha Dowladda.

 

Hay’adda NIRA oo beenisay in deegaano ka tirsan Puntland ay ku dartay Galmudug

Warsaxaafadeed ay soo saartay hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta dowladda Federaalka Soomaaliya ee NIRA ayaa lagu beeniyay eedeymo loo jeediyay hay'adda oo la xariiray in degmooyin ka tirsan Puntland ay raacisay

Puntland oo sheegtay in Madaxweyne Xasan Shiikh uu Colaad ka abuuro Gaalkacyo Markasta uu Xil Qabto

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheikh Cali (Jifojabsade), ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay colaad ka dhex abuurayso Puntland iyo Galmudug, isagoo sabab uga dhigay diiwaan gelinta ay

Magaalada Tottenham ee dalka Ingiriiska oo lagu dilay Wiil Somali ah

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Fardowso Cismaan Cigaal ayaa ku sheegtay sababta keentay iney yaraadaan qaraxyadii ka dhici jiray Magaalada Muqdisho in gaadiidka lagu

Wasiirad hore oo Sharaxday sababta Muqdisho uga yaradeen Qaraxyada

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Fardowso Cismaan Cigaal ayaa ku sheegtay sababta keentay iney yaraadaan qaraxyadii ka dhici jiray Magaalada Muqdisho in gaadiidka lagu

Warbixin laga soo saaray Shil Diyaareed oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa xaqiijisay shil diyaaradeed oo shalay ka dhacay meel qiyaastii 24 km koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho. Diyaaradda shilka gashay ayaa ahayd nooca DHC-5D Buffalo,
Ad
Previous articleCiidmada Dowlada oo Si rasmi ah ula wareegay Degmada Ceelbuur
Next articleRaysulwasaare Xamse Cabdi Barre oo si wayn loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb Xili. Ceelbuur la qabtay(Sawiro)