Home Wararka Maanta Qoor Qoor oo gaaray Meel ku dhow Ceelbuur Xili Ciidmada Dowladu Kasoo...

Qoor Qoor oo gaaray Meel ku dhow Ceelbuur Xili Ciidmada Dowladu Kasoo Baxeen(Sawiro)

0

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo uu la socdo Wasiirka Gaashaandhiga dalka Mudane Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa gaarey deegaano hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud halkaas oo dhawaan ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya xooggaga deegaanka ay ka xoreeyeen Kooxda Alshabaab.

Goobaha ay tageen Madaxwayne QoorQoor iyo Wasiirka Difaaca ayaa ah goobo intooda badan ciidamadu ay ku gaareen howlgalka dhammaytirka wajiga koowaad ee Galmudug lagu xoreynayo kuwaa oo guulo isdaba-joog ah laga gaarayo maalinba maalinta xigta.

Qoor Qoor ayaa Daraad ka Baxay Dhuusamareeb asagoo Safar Dhulka ah ku Maray Guriceel Halka uu Haatan ku Suganyahay Qoor Qoor ayaa Waxaa horay uqabsaday Ciidamada Beesha Cayr kuwaas oo Wali kusugan Goobo ay Alshabaab ka Saareen.

Tagista Qoor Qoor ayaa ah in ciidamadaan iyo Ciidamo asaga lasocdo ay Horay usii Dhaqaqaan Degmada Ceelbuur oo Ay kasoo baxeen Ciidamadii  Dowlada ee jimcihiii Qabsaday kasoo Bixitaanka Ciidamadaas ayaa waxaa keenay Kadib Markii Alshabab Dib u Qabsadeen Degmada Wabxo.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Shiikh aya la Filayaa inuu kasoo Guuro Dhuusamareeb una soodago Maxaas Hasa ahaatee Qoor Qoor iyo mahad Salaad ayaa Ku Dadalaaya inay Madaxweyne Xasan Shiikh ku Qanciyaan inuu Dhuusmareeb sii joogo islamarkaasna ay dhaqaajinayaan ciidamada dowlada iyo kuwa beelaha Galmudug.

Qoor Qoor iyo Mahad salaad ayaana Balan Qaaday inay Dhaqaajin Doonaan Ciidamada Beelaha iyo Kuwa Galmudug si Alshabaab looga Saaro Galmudug.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa tan iyo Shalay wadahadal kula jiray Calijayte iyo Ugaaska Beesha xawaadle oo uu kacodsaday inay Diyaargaroobaan oo dagaalka ka qaybgalaan wixii tabasha ahna uu ka xalin doono.

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa
Ad
Previous articleFaahfaahin Xogta Tagista Degdega ah ee Raysulwasaare Xamse ku Tagay aadanyabaal
Next articleWaa kuma horjoogaha Al-Shabaab ee markuu dowladda isku soo dhiibay ay doodda ka dhalatay