Home Wararka Somaliya Galmudug Qoor Qoor oo Baydhabo u aaday Dhexdhexaadinta Xasan Shiikh Iyo Laftagareen

Qoor Qoor oo Baydhabo u aaday Dhexdhexaadinta Xasan Shiikh Iyo Laftagareen

0

Madaxweyne Xassan Sheikh oo xalay iyo shalayba lakulmay Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta ergo ahaan ugu diray magaalada Baydhabo, si ula kulmo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ugana baajiyo isku day la xariira qabashada doorasho dad-ban, oo Koonfur Galbeed  agaasimayso.

QoorQoor ayaa u socdaalaya Baydhabo, isagoo la aaminsan yahay in uusan daacad dhameystiran u noqon karin dhinaca Madaxweyne  Xassan Sheekh,tan oo ka dhigan is dhakrid siyaasadeed oo ay jilayaan Madaxda Koonfurta dalka, oo inta kuwa Dowlad Goboleedyada  mudo dhaaf yihiin, kahor November u baahan jid siyaasadeed.

Laftagareen iyo Axmed Madoobe ayaa kujira isdabaalin siyaasadeed oo ah in waqtiga shirka madasha lajiido, ilaa bilowga bisha September, si markaas loo gaaro xiliga kala baxa.

Hayeeshee QoorQoor ayaan lamid aheyn Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, maadaama Galmudug ay dhinacyada kuhardamayaa kursiga u sareeya soo wada jeedaan, oo aysan lamid aheyn Kismaayo ama Baydhabo.

Ad
Previous articleAbiya Axmed oo Ka hadlay Waxa Ay kawada Hadleen Erdogaan ee Bada Soomaaliya
Next articleNadaara oo Kasoo Goostay Alshabaab oo Caawa loo Magaacabay Agaasime Guud