Home Wararka Maanta Qoor Qoor iyo Deni oo Ka Hadlay Dagaalada lagu Hoobtay ee Wali...

Qoor Qoor iyo Deni oo Ka Hadlay Dagaalada lagu Hoobtay ee Wali Kasocda Gobalka Mudug

0

Dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeyay labo beel oo kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa saakay mar kale ka qarxay deegaanno hoostaga gobolka Mudug oo ay ood wadaag ka yihiin labada beel.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland ayaa loogu baaqay labada beel ee ku dagaallamaya galbeed gobolka Mudug in ay  si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in wafdi ka kooban golayaasha maamulkaasi u direen deegaannada dagaalka uu ka socdo, waxa ayna rejo ka muujiyeen in ay guuleestaan dedaalada nabadeed ee socda.

Dhinaca kale madaxtooyada Galmudug ayaa iyana war kasoo baxay loogu baaqay labada beel ee dagaalka u dhaxeeyo in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka kana shaqeeyaan sidii xaalada loo dejin lahaa loona wada hadli lahaa.

”Waxaan ka codsaneynaa in loo hoggaansamo guddiyada ay Galmudug iyo Puntland u xilsaareen xabbad joojinta iyo nabadeynta, sidoo kalana lagu tixgaliyo shaqadooda ciidammada ay isla garteen masuuliyiinta labada State in la geeyo goobaha dagaalku ka dhacday” ayaa lagu yiri warka Galmudug kasoo baxay

Dagaal dhiig badan ku daatay ayaa saakay mar kale dib uga qarxay deegaannada dhaca galbeedka gobolka Mudug, dagaalka ayaana u dhaxeeya beelaha Leelkase iyo Sacad oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Ad
Previous articleDowlada Itoobiya oo War kasoo saartay Amarkii Dowlada ee ahayd in Ciidamada Itoobiya Dalka ka baxaan
Next articleMashruuc Dadka Muqdisho Dagan Ka Farxiyay oo Maantay La Daahfuray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here