Home Wararka Maanta Qoor qoor Doorashada kuraasta Gaalkacyo Ma wuxuu u maarayn Doonaa Sidii Kuwa...

Qoor qoor Doorashada kuraasta Gaalkacyo Ma wuxuu u maarayn Doonaa Sidii Kuwa Dhuusamareeb?

0

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Shalay Galab gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug halkaas oo lagu dooran doono 11 kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka ee ka imaanayo Galmudug.

Sida uu ahaa jadwalkii uu shaaciyey guddiga doorashada ee Galmudug 5 Bisha oo Sabtida Berri ah ku aadan ayuu qorshuhu ahaa in la doorto 6 kamid ah 11-ka Kursi ee taalo Gaalkacyo, laakiin buuq badan ayaa ka dhashay qaar Kuraasta kamid ah oo laga dhigay Kooto Dumar.

Lixda Kursi ee la shaaciyey 3 kamid ah ayaa laga dhigay Kooto Dumar, mid kamid ah horey ayey ugu fadhisay qof Dumar ah waana HOPP#60 oo ay ku fadhisay Ubax Tahliil Warsame.

Reerka Kursigaas leh waxay rajeenayeen in sanadkaan kursigooda laga saaro kootada Dumarka iyadoo sanadkaan guud ahaan beesha Koonfurta degto ay eegeysay in Afarteeda Kursi laga dhigo xisaab rag, laakiin Qoor Qoor wuxuu Kursiga HOPP#60 kusoo celiyey xisaabtii Dumarka.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kamid ah musharixiinta xilka madaxweynaha iyo Liibaan Tahliil Warsame ayaa kamid ahaa xubnaha xusul duubka ugu jiray kursigaan, balse Qoor Qoor ayaa aaday jiho aysan fileyn.

Doorashada oo ahayd in Beri ka Dhacado magaalada Gaalkacyo ayaa Dib uga Dhacday Waqtigi loog Talagalay, Gudiga Doorashooyinka Galmudug ayaa La filayaa in ilaa Caawa Jadwal Cusub soo Saraan.

 

 

Diidmo arrintaas la xiriirta ayaa taala Magaalada Gaalkacyo, waxaa kaloo culeyska kursigaan sii xoojiyey markii la ogaaday in Kursiga la rabo in loo xiro Ubax Tahliil.

Kursiga Labaad oo isna buuqa ka taagan yahay waa HOPP#20, Kursigaan waxaa u sharaxnaa taliyihii hore ee ciidanka xoogga Dalka General Indha Qarashe, waxaa kursigaan ku fadhiyey Shantii Sano ee lasoo dhaafay Xildhibaan Cali Yare, balse si uu aadan Aadan Qoryooley kursi u helo ayaa kursigaan laga dhigay Kooto Dumar, halka Kursiga HOPP#13 laga dhigay Kooto Rag iyadoo loo diyaarinayo Aadan Qoryooley oo ah wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Galmudug, kaas oo uu xiriir fiican kala dhaxeeyo Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

 

Diidmo xooggan oo la xiriirta qaabka loo maareeyey Labada Kursi ee HOPP#60 iyo HOPP#20 ayaa ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa soo farageliyey xaalka Labada Kursi. Askarta qaar kamid ah waxay ku doodayaan inaan Kursiga HOPP#20 laga dhigi karin Kooto Dumar, halka qaarna ay ku doodayaan inaan la xiri karin kursiga HOPP#60.

Qorshihii ay guddiga doorashada Shalay ku shaacin lahaayeen guddiga xulista ergada Lixfaas Kursi Maanta ay ku bixin lahaayeen shahaadooyinka musharixiinta si ay Maalinta Berri ah u dhacdo doorashada ayaa shaqeyn waayey.

 

Askarta waxay la hadleyn saxaafadda, waxay digniin siiyeen guddiga doorashada Galmudug iyagoo ka digay inuu gacan ka hadal imaan karo haddii lagu deg dego qabashada doorashada Kuraastaas.

Xaaladda waa ka maarmi weysay inuu yimaado Qoor Qoor, Xalay kulamo ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo lagu xalinayo arrimahaas, waxaana la eegayaa sida uu Qoor Qoor u maareeyo xiisadda Kuraasta taalo Gaalkacyo.

 

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleQarax ismiidaamin oo lagu Hoobtay oo lagu Weeraray Masaajid Salaada jumcaha lagu Tukanaayay(Sawiro)
Next articleDowladda Qatar oo shaacisay in Madaxweyne Farmaajo oo Biri gaarayo Wadanka Qater