Home Wararka Maanta Qofkii Ugu Horeeyey ee Qaba Furuqa Daanyeerada oo Soomaaliya lagu Arkay

Qofkii Ugu Horeeyey ee Qaba Furuqa Daanyeerada oo Soomaaliya lagu Arkay

0

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku dhawaaqay in shaqsi lagu arkay astaamaha cudurka Furuqa Daanyeerka la karantiilay, kiiskaan ayaa lagu shaaciyey warbixin uu soo saaray Xafiiska Caafimaadka ee dowlad Deegaanka Soomaali Galbeed.

Xanuunkaas oo loo yaqaano Monkeypox ayaa noqday xaalad caafimaad oo caalami ah, waxaana la karaantiilay qofkii lagu arkay dhulka dowlad deegaanka, kadib markii korkiisa ay ka soo baxeen nabro waaweyn.

Xafiiska Caafimaadka Dowlad Deegaanka ayaa warbixintiisa ku sheegay inay wadaan baaritaan dheeraad ah, si loo ogaado in dad kale oo ku sugan deegaanka ay qaadeen xanuunkaas.

Ku-xigeenka xafiiska caafimaadka ee deegaanka, Maxamed Ayaanle, ayaa Idaacada BBC u sheegay in dheecaanno laga qaaday qofka lagu arkay xanuunka, waxaana loo diray machadka caafimaadka dadweynaha ee dowladda federaalka Itoobiya, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka xafiiska caafimaadka qofka lagu arkay calaamadaha xanuunkan nabraha badan ayaa laga helay degmada Qabri-bayax ee dhulka dowlad deegaanka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska caafimaadka ee dowlad deegaanka ayaa lagu yiri “Xirfadlayaasha caafimaadka ee la geeyay degmada Qabri-Bayax ayaa ku dhawaaqay in lix qof oo isku qoys ah ay soo sheegeen calaamadaha furuqa laba toddobaad ka hor”.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in shaqsiyaadka laba toddobaad ka hor lahaa calaamadaha ay “ka soo kabteen” cudurka. Si kastaba ha ahaatee, xafiisku wuxuu sheegay in calaamad noocan oo kale ah lagu arkay laba qof oo kala ah Aabe iyo Wiil, Waxa uu xusay in xaaladda labada qof ay soo hagaageyso.

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleWafdi uu Qoor Qoor u Diray Xarardheere oo loo Diiday inay Dhaafaan Wisil
Next articleAlshabaab iyo Ciidamada Itoobiya oo Dagaal Qaraar Dhexmaray