Home Wararka Maanta QODDOBo laga soo saaray shir DF iyo maamulada uga socday Muqdisho

QODDOBo laga soo saaray shir DF iyo maamulada uga socday Muqdisho

0

Shir maalmihii dambe uga socday magaalada Muqdisho Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha arrimaha gudaha dowlad-goboleedyada dalka ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyay.

Shirka oo diiradda lagu saarayay xiriirka dowladaha hoose ee dalka ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed ka kooban 12 qoddob oo ay isla meel dhigeen madaxdii ka qeyb-gashay shirkaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay ka go’antahay in dhismaha golayaasha deegaanka ay ku dhismaan qorshe dowladdu leedahay.

Waxa uu xusay in midaan muhiim u tahay si meesha uga baxdo in Degmo aan dhaqaale iyo shacab ahaanba aan is bixin karin gole deegaan loo dhiso oo wakhti iyo dhaqaale meel kale looga faa’iidayn lahaa lagu baxsho.

Hoos ka aqriso qoddobada kasoo baxay shirkaan oo dhameystiran:

  1. In did u eegis lagu sameeyo Hannanka Dhismaha Golayaasha Deegaanka ee Wadajir (Wadajir National Framework).
  2. In Dowladdu dhammaystiro Degmooyinka dhimman iyada oo la hubinaayo ka qaybgalka haweenka, dhalinyarada iyo dadka (Gender inclusivity).
  3. In Dowladdu qorsha midaysan ka yeelato Arrimaha Dowladaha Hoose iyada oo lagu salaynaayo baahiyaha dhabta ah ee degmooyinka ka jira Lana waafajinaayo Qorshaha Qaran, kan Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir iyo sidoo kale Qorshaha Hormarinta Degmada (District Development Framework – DDF).
  4. In Dowladdu ay maalgeliso qoonda muuqatana ku bixiso Dowladaha Hoose (Director investment and contribution) gaar ahaan mashaariicda adeegga asaasiga ah (Social Services).
  5. Si looga fogaado dib u dhacyada ku yimaada qorshayaasha iyo Heshiisyada (Letter of Agreements – LoAs) waa in dhammaan heshiisyada laga fekeraa macquulnimada in la wada qaban karo, kadibna wakhtigaas lagu heshiiyay waa in lagu qabto.
  6. In Dowladdu ku dadaasho inay maamulka daadejiso iyadoo la raacaayo Siyaasadda Maamula Baahinta heer Federaal iyo Dowlad Goboleed (Decentralization Policy).
  7. Si loo kobciyo awoodaha Dowladaha Hoose waa in Macaahidda Dowladaha Hoose ee heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir la hawl-geliyaa.
  8. Isbadalka cimalada ayaa loo arkay xaalad taagan, si loog jawaabo taas waa in dowladaha hoose door ku yeeshaan ka jawaabidda isbedellada Cimilada (climate change) iyo maaraynta musiibooyinka ka dhasha cimilada si looga hor tago Abaaraha soo noq-noqda.
  9. In degmooyin gacan lagu siiyo kobcinta ilaha dakhliga gudaha (Domestic Revenue) si degmooyinku u gaaraan isku-filnaansho dhaqaale, lana xoojiyo hannaanka daadejinta maaliyadda (Fiscal Decentralization).
  10. In kaalmada Degmooyinka la siinaayo lagu dar kharashaadka joogtada ah sida gunnada shaqaalaha, adeegyada xafiisyada IWM, hannaan dowladu kula wareegto oo tartartiib ahna loo sameeyo.
  11. Xilli miisaaniyadeedka dalka oo ah Janaayo ilaa December, waxaan lagu taliyay in sanad miisaaniyadeedka kaalmada la waafajiyo tan dalka si looga baaqsado dib dhac iyo isla jaan-qaad la’aan.
  12. In kaalmada degmooyinka la mariyo habka maamulka maaliyadda dalka ayaa iyadana loo arkay talaabo xoojinaysa isla xisaabtanka iyo helitaanka xog maaliyadeed qaran oo qorshayaasha lagu salayn karo iyo sidoo kale in la xoojiyo nidaamka dakhli ee dalka.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleRa’iisul Wasaare Xamze Oo Xariga Ka Jaray Xarunta Cusub Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda.
Next articleToogasho ka dhacay Guriga Dabaq ah oo ku yaal Magaalada Eskilstuna ee Sweden