Qareen caan ka ah gobolka South Carolina ee dalka Maraykanka ayaa lagu helay dembi ah inuu toogasho ku dilay xaaskiisa iyo wiil uu dhalay.
Xeer beegti kiiskan u fadhiday muddo lix todobaad ah ayaa ugu dambeyn go’aamisay in Alex Murdaugh oo 54 jir ah uu galay dembiga loo haysto.
Waxay u badan tahay in labada dil ba uu ku mutaysan doono xabsi daa’in ama wax ka badan min 30 sano.
Maggie iyo Paul Murdaugh ayaa 7-dii June 2021 waxaa la toogtay xilli ay joogeen qeybta eeyaha ay ku hoydaan ee guri weyn oo ay ku leeyihiin deegaanka Islandton.
“Go’aanka maanta waxa uu muujinayaa in aanay jirin cid ka sarreysa sharciga, mansab kasta oo uu qofka ka gaaro bulshada dhexdeeda,” ayuu yiri dacwad oogaha ugu sarreeya South Carolina, Alan Wilson.
Kiiskan oo si weyn u soo jiitay indhaha shacabka Maraykanka, ayaa waxaa laga sameeyay aflaan ay maalgaliyeen shirkadaha Netflix iyo HBO.
Alex Murdaugh oo ahaa qareen qaabilsan dhibaatooyinka soo gaara dadka ku nool gobolkaas, ayaa tan iyo 2006 waxa uu kamid ahaa garyaqaannada ugu caansan South Carolina, waxaana uu ku caanbaxay naaneysta “Murdaugh Country”.
Xeer beegtida ayaa loo sheegay in qareen Murdaugh uu sanado badan ku hawlanaa wax is daba-marin uu kula kacay qareennada la shaqeynayay iyo macaamiisha.
Waxa kale oo lagu eedeeyay inuu si aad ah u qabatimay kaniinka “xanuun baabi’iyaha” iyo nolal ka badbadin ah.
Qareenka ayaa qirtay inuu galay dembi dhaqaale, balse waxa uu beeniyay inuu dilay xaaskiisa iyo wiilka ugu yar carruurtiisa.
“Wax dhibaato ah uma geysan Maggie iyo Paul, xaalad kasta oo taagan xumaan u quurin labadooda,” ayuu ku dooday Murdaugh.
Caddeymaha Kiiska
20 bilood kadib dilkaas dhacay, Alex Murdaugh ayaa u sheegayay laamaha ammanka in xilliga falkaas uu dhacayay uusan la jogin xaaskiisa iyo wiilkiisa, balse uu jiifay qolkiisa.
Hase yeeshee waxaa xeer beegtida lala wadaagay muuqaal uu Snapchat soo dhigay Paul daqiiqado ka hor inta aanu dhicin dilka, waxaana la maqlayay codka qareen Murdaugh.
Murdaugh ayaa qiray inuu been ka sheegay dhacdadaas, waxaana uu ku dooday in cabsi badan ay soo wajahday sanadihii dambe.
Maxkamadda ayaa sidoo kale loo sheegay in qareen Murdaugh uu isku dayay inuu “ka been abuurto dhimashadiisa” si uu lacag uga helo shirkad caymis. Balse ay taa u suurageli weyday.
Dacwad oogayaasha ayaa ku dooday in lacagaha uu dhacay qareenka ay sabab u noqon karaan falka uu kula kacay qoyskiisa, si uu dareen naxariis leh uga helo dadka yaqaanay.
Hase yeeshee waxaa arrinkaas beeniyay qareennada difaacayay Alex Murdaugh oo sheegay in aanay jirin sabab ku dhalin kartay go’aan noocaas ah.
Dacwad oogayaasha ayaa ku dooday in qareenka uu laba qori oo kala duwan u isticmaalay dilka xaaskiisa iyo wiilka uu dhalay, balse aanay u suuragelin inay helaan hubkaas.