Garsoorayaasha iyo howlwadeennada Maxkamadda Sare ee Brazil ayaa Arbacadi shalay si deg deg ah halkaasi looga daad-gureeyay kaddib marki ay laba qarax oo waaweyn ka dhaceen meel u dhaw maxkamadda, sidaasi waxaa xaqiijiyay booliska Brazil.
Mid ka mid ah qaraxyada ayaa ka dhacay barxadda weyn ee u dhaxeysa aqalka Koongareeska iyo dhismaha Madaxtooyada ee magaalada caasimadda ah ee Brasilia. Boolisku waxay sheegeen in hal qof uu ku dhintay qarraxaas.
Qaraxyadan ayaa imanaya shan maalin ka hor inta uusan magaalada Rio de Janeiro ka furmin shirweynaha dalalka dhaqaalaha ku horumaray ee loo soo gaabiyo G20.
Bayaan kasoo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob lagu nasto oo u dhaw maxkamadda shalay gelinki danbe. Garsoorayaasha ayaa si nabad ah halkaasi looga daad gureeyay.
Booliska waxay sheegeen ninka ku dhintay goobta uu qarraxu ka dhacay ayaa waxaa ku xirnaa alaadaha qarxa, waxana meydkiisa loo baaray si taxaddar leh.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku
Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ,ayaa ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ka taageeri doonaan dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee argagaxisada ee ka dagaallama qeybo kamid ah dalka Soomaaliya. Lataliyaha
Ciidamada booiiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgalla saldhigga degmada Dayniile , ayaa lagu wareejiyay nin dhallinyaro ah oo shalay afaafka hore ee xarunta degmada Dayniile ku dilay nin kale
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay saaxiibada caalamka ee taageera Soomaaliya inay ula dhaqmaan maamulka SSC-Khaatumo si lamid ah maamul-goboleedyada kale ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka
Madaxweynaha maamulka SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo Xalay ka hadlaayay munaasibad balaaran oo ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ugu baaqay Somaliland nabad iyo
Ad