Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Qaraxyo Mudo Dheer Kadib Ka dhacay Degmada Jalalaqsi

Qaraxyo Mudo Dheer Kadib Ka dhacay Degmada Jalalaqsi

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada oo ahaa nooc miinada ee dhulka lagu aaso ayaa midka koowaad wuxuu ka dhacay bar koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka galaya magaalada, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada dadka deegaanka.

Sidoo kale qaraxa labaad ayaa loo dhigay ciidamo gurmad ah oo u socday bartilmaameedka koowaad, waxaana la kacday miino kale, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadan dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhowaad 10 askari oo kamid ahaa ciidamada Macawiisleyda ee ka howlgala degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa maanta ah mid deggan, waxaana haatan degmadaas howlgallo ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo baadi goobaya xubnihii Al-Shabaab ee ee ka dambeeyay weeraradaasi.

Hiiraan ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana degmooyinka gobolkaasi dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada huwanta.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale beegsi ku hayso xarumaha ciidamadaasi, waxaana mararka qaarkood ay ku qaadaa weeraro gaadmo ah oo dhaliya khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, Hiiraan oo ay joogaan ciidamo badan oo Macawiisley ah ayaa ah halka uu kasoo bilowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waana sababta ay markasta kooxda qaraxyo ula beegsato magaalooyinka waa wayn ee gobolkaas oo hoostaga HirShabelle.

Ad
Previous articleAlshabaab ooo Khaarijiyay Sarkaal sare oo KaTirsanaa Saraakiisha Kenya
Next articleXasan Shiikh iyo Ordogaan oo Ka Wada hadlay Xiisada Bada ee Itoobiya iyo Soomaaliya