Home Wararka Maanta Qaraxyo laga cabsi qabo in Sacaadaha Soosocda oo laga digay

Qaraxyo laga cabsi qabo in Sacaadaha Soosocda oo laga digay

0

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara” gudaha dalka.

Mas’uuliyiintu ma bixin faahfaahin ku saabsan weerarrada la filan karo, balse safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay inay la socoto khataro ka dhan ah dhowr goobood, oo ay ku jirto garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee caasimadda.

Digniinta lagu daabacay bogga rasmiga ah ee safaaradda ayaa xustay in dhammaan shaqaalaha safaaradda lagu amray inay joojiyaan dhammaan dhaq-dhaqaaqyadooda.

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xusuusinaysaa muwaadiniinta Mareykanka in kooxaha argagixisada ay weli qorsheynayaan afduubyo, qaraxyo, iyo weerarro kale oo ka dhaca Soomaaliya,” ayaa lagu yiri digniinta safaaradda.

“Weerarradu waxay dhici karaan si lama filaan ah ama iyagoo leh digniin aad u yar, waxaana la beegsan karaa garoomada diyaaradaha, dekedaha, baraha kontaroolka, dhismooyinka dowladda, hoteellada, maqaayadaha, suuqyada waaweyn iyo goobaha ay dadku ku badan yihiin, gaar ahaan kuwa ay joogaan dadka reer Galbeedka. Sidoo kale, weerarro ayaa lagu beegsan karaa kolonyo ciidan oo ay la socdaan ciidamada dowladda, kuwa milateriga iyo saraakiisha reer Galbeedka.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa tan iyo bishii Luulyo 2024 ku haysay Soomaaliya heegan safar oo heer afaraad ah, kaasoo ka digaya in aan loo safro dalka sababo la xiriira khataraha argagixisada, dambiyada, iyo xasillooni darrada. Safaaraddu waxay sheegtay in digniintaasi weli sii jirto.

Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay in duqeymihii dhacay 1-dii Febraayo – oo ahaa howlgalkii militari ee ugu horreeyay ee xukunkiisa labaad – ay dileen dagaalyahanno badan oo ISIS ah, iyadoo aan la sheegin wax khasaare ah oo rayid ah.

Tan iyo markaas, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inuu fuliyey duqeymo kale oo dhowr ah isaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya, si loo beegsado dagaalyahannada ISIS iyo Al-Shabaab, iyadoo la weeraray deegaannada Al-Kowsar, Ceel Baraf, Dadar iyo Boulo-Burte.

Warbixin ay soo saartay kooxda caalamiga ah ee Crisis Group ayaa lagu qiyaasay in dagaalyahanada ISIS ee Soomaaliya ay gaaraan boqolaal, badankoodna ay ku sugan yihiin buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari ee Puntland.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleWararkii ugu danbeeyey duqaymo culus oo xalay lagu garaacay Daarunimca
Next articleDagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay