Qarax xoogan ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Sida wararku sheegayaan qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxaa ka dhacay xerada ciidamada Jen. Dhegabadan (Ex Warshadii hore ee Nac-naca).
Goob joogayaala ayaa ku waramay in nin waxyaabaha qarxa dhexda ku soo xirtay uu isku qarxiyey goob ay joogeen ciidamo ka tirsan DF oo ku taalla agagaarka xerada.
Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhacay qaraxaas kaasoo gaaray askar iyo dad shacab ah oo goobtaas ka dhowaa inkastoo aan tirakoob sax an laga heynin illaa hadda.
Ciidamada dowladda ayaa markiiba xiray aaga qaraxa uu ka dhacay, iyadoo gaadiid ambalaas ah lagu daad gureeyey dadkii ay waxyeeladu soo gaartay kuwaasoo la geeyey goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.
Laamaha amaanka ee DF Ayaan illaa hadda war ka soo saarin qaraxan oo noqonaya kii ugu horeeyey noociisa ah ee bilahan dambe ka dhaca magaalada Muqdisho oo amaankeedu uu soo hagaagayey.



