Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Qarax Ismiidaamin Ah Oo Goordhow Lagu Weeraray Degmada HalganXili Alshabaab Qaraxyadii...

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Goordhow Lagu Weeraray Degmada HalganXili Alshabaab Qaraxyadii U Wareejiyeen Gobolka Hiiraan(Sawiro)

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka qarax Ismiidaamin aaa lagu weraray xero ay ciidamadda dowladda iyo kuwa Macwuualeyda ku lahaayeen degmada Halgan.

Weerarkan waxaa fuliyay qof Ismiidaamiye ah oo watay gaari, iyadoo jugta qaraxa si weyn looga maqlay xaafadaha degmadaasi.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya inuu jiro khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo waxyeelada ugu badan ay gaartay ciidamada Huwanta ah ee la beegsaday.

Sawirran laga soo qaaday halka weerarka uu ka dhacay ayaa muujinaya burbur culus oo gaaray dhismayaal ku yaalay degmada Halgan, iyadoo dhismayaasha hoostooda laga raadinayo dad lagu la’yahay weerarkaasi.

Qaraxan ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii saddex qarax oo Ismiidaamin ahaa ay ka kala dhaceen degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-burde, kuwaasoo sababay khasaare dhimasho oo ka badan 30 ruux.

Kooxda Shabaab ayaa dagaalkeeda kusoo koobtay qaraxyo kadib markii looga itaal roonaaday dagaalkii fool ka foolka ahaa, ciidamadda dowladda ayaa iyaguna wax cashir ah ka qaadan qaraxyada is-daba joiga ah ee kooxdaasi.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWaa Maxay Qorsha Qoor Qoor Sababta uu U Tagay Degmada Wisil Xili Hogaanka Dagaalka Ay La wareegtay Dowlada Federaalka
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarixii Ka Dhacay HALGAN iyo Taliye Sare oo Ka mid Noqday Dadka Ku Dhintay Qaraxaas