Home Wararka Maanta Qaramada Midoomay oo Galabtay Kulan Xasaasi ah Ka Leh Xalaada Soomaaliya

Qaramada Midoomay oo Galabtay Kulan Xasaasi ah Ka Leh Xalaada Soomaaliya

0

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta ay kulan ka yeeshaan xaaladda guud ee Soomaaliya, kaas oo ka dhacaya xarunta guud ee golaha oo ku taalla magaalada New York.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-geli doono wakiilka KMG ah Xoghayaha Guud, James Swan, ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika Mohamed El-Amine Souef oo sidoo kale ah madaxa ATMIS, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Inta uu socdo kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya oo ay ugu horreyaan dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha siyaasadda ee ka taagan gudaha dalka.

Sidoo kale waxaa golaha lala wadaagi doonaan warbixin ku aadan xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, isbeddalada dhacay iyo arrimaha kale ee soo kordhay, maadaama ay taagan tahay xiisad u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee uu horraantii sanadkan Abiy Axmed uu la galay Somaliland.

Golaha ayaa la filayaa in uu soo saaro warbixintiisa ku aaddan xaaladda dalka iyo sidoo kale xiisadda Geeska oo ay ku jirto khilaafka kasii daraya ee  Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli uu haatan sii dhamaanayo howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) bisha Oktoobar 31, iyada oo James Swan uu kulanka kaga hadlayo xaaladda dalka ee siyaasadda iyo arrimaha bulshada, howlgalka cusub ee UNCT oo muddo labo sano ah sii socon doona, dib-u-eegista dastuurka iyo habraacyada doorashada.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana taagan xiiad siyaasadeed oo gudaha ah iyo mid diblumaasiyadeed oo marba marka ka dambeysa kasii dareysa.

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleWeerar Dhowr Jiho ah oo Alshabaab Looga Saaray Degaan Muhuiim ah oo Ka Tirsan Galmudug
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qodobada Laisku Mari la’yahay ee Shirka Golaha Wadatashi Qaran