Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diiday codsi ka yimid dalka Ruushka oo ahaa in baadhitaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday dhuumaha shidaalka ka soo qaada dalka Ruushka ee geeya dalalka Yurub, ee loo yaqaan Nord Stream 1 iyo 2.
Sida uu yahay dhaqanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, qaraarkasta oo dhaqan gal noqonaya ayaa u baahan in sagaal xubnood oo ka mida 15-ka xubnood ee golaha ammaanku inay u codeeyaan “haa”, iyo weliba inaanu diidmada qayaxan isticmaalin mid ka mida shanta dal ee xubnaha joogtada ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Danjire ku xigeenka Maraykanka u jooga Qaramada Midoobay ayaa sheegay inaan loo baahnayn in Qaramada Midoobay ay baadhis samayso, iyada oo ay baadhis wadaan Sweden, Jarmalka iyo Denmark.
Labada dhuumood ee shidaalka ee Nord Stream 1 Nord Stream 2 ayay inteeda badan maalgelisay dawladda Ruushku.
Dhuunta shidaalka ee Nord Stream 1 ayaa shidaalka geynaysay dalka Jarmalka, illaa ugu dambayn uu Ruushku ka joojiyey bishii August ee sannadkii 2022, halka dhuunta labaadi aanay shaqo bilaabin, ka dib markii dawladda Jarmalku ay warqaddii ogolaanshaha ahayd kala laabatay, markii uu Ruushku duullaanka ku qaaday dalka Ukraine.
Bishii September ee sannadkii 2022 ayaa weerar lagu qaaday dhuumahan shidaalka, illaa haatanna ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay weerarkaas