Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobe oo Shaacisay Tirada Caruurta Lagu dilay Magaalada Gaza

Qaramada Midoobe oo Shaacisay Tirada Caruurta Lagu dilay Magaalada Gaza

0

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in tirada Caruurta ah ee lagu dilay dagaalada Gaza ka socday 15-kii bilood ee lasoo dhaafay iney ka badan tahay ilaa 13,000 oo Caruur Falastiiniyiin ah, islamarkaana kuwa dhaawacmay ay gaareen 25,000.

Xafiiska Iskuduwida arrimaha Bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii lasoo dhaafay sheegay in tirada meydadka ilaa iyo hada la aqoonsaday ee gudaha Gaza iney kor u dhaafayaan 40,000 oo Falastiiniyiin ah, islamar ahaantaana saddex meelood hal meel yihiin Caruur.

Hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Caruurta ayaa dhankeeda sheegtay xogo ay isla ururiyeen Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza in tirada Caruurta ee ku dhaawacmay dagaalada Gaza ay gaareyso 25,000 oo canug.

Qaramada Midoobay kal sii horeysay ku tilmaamtay Gaza iney tahay meesha ugu halista badan guud ahaan Caalamka oo ay Caruur ku noolyihiin.

Waxyaabaha aadka u argagaxa badnaa ee Gaza ka dhacay waxaa ka mid ahaa weerarkii Israa’iil ay ku beegsatay Isbitaalka Al-Ahli Arab ee dhacay 17-kii bishii Oktoobar 2023-kii, kadib gantaallo culus oo ay ku dhufteen Isbitaalka ayna kuna naf waayeen ugu yaraan 500 oo ruux oo rayid ah una badnaa Caruur.

Inta badan Caruurta reer Falastiin ayaa lasoo wariyay iney Isbitaalada Gaza ugu dhinteen nafaqo daro ba’an, maadama ay adkeyd in wax gurmad gargaar ah ama daawo ah la gaarsiiyo dadka ku noola magaalada Gaza.

Ugu dambeyntii xaalada Gaza ayaa ah dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay mid degan, kadib heshiis xabbad joojin ah oo ay kala saxiixdeen Isra’il iyo Xamaas oo labadii todobaad ee lasoo dhaafay is weydaarsaday sii deynta maxaabiis ay kala heysteen labafa dhinac.

Ad
Previous articleMuxuu Sameeyey Mukhtaar Maxamed Shariif oo Maraykanku ku Xukumay 17sano oo Xabsi ah?
Next articleMadaxweyne Somaliland oo Safarkii ugu horeeyag ee Dibada u baxay