Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Qaramada Midoobay oo War Saxaafadeed kasoo Saartay Weerarkii Ceelbaraf

Qaramada Midoobay oo War Saxaafadeed kasoo Saartay Weerarkii Ceelbaraf

0

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa waxaa si adag looga hadlay weerar ay waabarigii Talaadada kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa tacsi tiiraanyo leh qoraalkan loogu diray dowladda iyo shacabka Burundi, wuxuuna xoghayaha sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajeeyey askarta dhaawacantay.

“Xoghayaha Guud wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadkii lagu laayay, sidoo kale wuxuu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Burundi. Wuxuu u rajeeyay caafimaad degdeg ah inta ku dhaawacantay weerarkaas.” ayaa lagu yiri  arsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xoghayaha Stéphane Dujarric.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Xog-hayaha guud waxa uu bogaadinayaa dhammaan ciidamada ATMIS, waxa uuna si qoto dheer uga mahadcelinayaa adeeggooda iyo sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga iyo amniga Soomaaliya”.

Ugu dambeyn Antonio Guterres ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay kordhiso taageerada ay siiso howlgalka ATMIS, ex AMISOM, si looga adkaado Al-Shabaab.

“Xog-hayaha guud waxa uu mar kale ka codsanayaa beesha caalamka in ay taageero dhan walba ah siiyaan ATMIS iyo ciidamada amaanka ee Soomaaliya, dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.” ayaa markale lagu yiri.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerarkan oo qaraxyo ku billowday ay ku dishay illaa 173 askari oo ka tirsanaa ciidanka Burundi, waxaana jirta askar kale oo nolosha lagu qabtay, inkastoo aan tiradooda la shaacin.

 

 

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleRuushka oo Sameeyay Dhoolatus Hubka Nukliyeerka, Wararka ugu Danbeeyay Dagaalka Ukraine (5 May)
Next articleDagaal Siyaasadeed oo Ka Dhex Qaraxay Midowga Musharixiinta iyo is Reebreeb Xoog leh oo Socda