Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo Toos usoo Faragalisay Wax ka Badalka Dastuurka Soomaaliya xili...

Qaramada Midoobay oo Toos usoo Faragalisay Wax ka Badalka Dastuurka Soomaaliya xili Khilaaf Xoogan Hareeyey

0

Qaramada Midoobay ayaa si toos ah usoo faro-gelisay doodda xoogan ee haatan ka taagan wax ka bedddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka oo ay haatan isku hayaan dowladda federaalka, xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale Puntland.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing oo maanta la kulantay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud Sheekh Cali ayaa kala hadashay sida ay wax u socdaan, gaar ahaan arrimaha dastuurka iyo doodda ka taagan.

Labada dhinac ayaa sidoo kale iska xog wareystay horumarka illaa iyo hadda laga gaaray dib u eegista dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya.

Catriona Laing ayaa si gaar ah wasiirka ugala hadashay in laga fakiro qoondada haweenka ee dhanka siyaasadda, maadaama ay qayb weyn ku leeyihiin gabdhuhu horumarka dalka.

“Horumarka laga gaaray dib u eegista dastuurka Soomaaliya, la jaanqaadkiisa heerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo ka mid noqoshada qoondada haweenka ee siyaasadda ayaa lagu soo qaatay kulan todobaadkan ay Muqdisho ku yeesheen Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing iyo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud Sheekh Cali” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana baarlamaanka Soomaaliya uu haatan ku howlan yahay wax ka beddelka dastuurka oo muddo dheer soo socday.

Qorshahan ayaa waxaa gadaal ka riixeysa Villa Soomaaliya oo taageero ka heleyo hoggaamiyeyaasha maamullada dalka, marka laga reebo dowlad goboleedka Puntland.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war dhowrayaa go’aanka labada Aqal ee baarlamaanka oo haatan ku howlan wax ka beddelka dastuurka dalka.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleSiyaasi Cabdiwaaxid Cabdulqaadir oo kasoo Goostay Soomaaliland iyo Wasiiro kusoo Dhaweeyey Muqdisho(Sawiro)
Next articleXamsa Cabdi Barre oo Mashtuuc layaableh Maantay ka daahfuray Muqdisho(Sawiro)