Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo Si adag ula Hadashay Dowlada Soomaaliya Digniina Udirtay

Qaramada Midoobay oo Si adag ula Hadashay Dowlada Soomaaliya Digniina Udirtay

0

Qaramada Midoobay ayaa Talaadadi shalay ugu baaqday Dowladda Soomaaliya, in ay carruurta ka yar da’da 18-ka sano ee lagu xakumo dilka toogasho aanan lagu fulin ciqaabtaasi.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta iyo colaadaha hubaysan, iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda carruurta, ayay ku sheegeen in ay aad uga walaacsanyihiin isla markaana ay si adag u cambaareynayaan xukun dil ahaa oo 17-kii bishi na dhaaftay ee August ee sannadkaan 2024-ka lagu fuliyay afar dhallinyaro ahaa, taas oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee Puntland.
Dhallinyaradaasi da’da yaraa ayaa lagu helay danbiyo ay galeen inti ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Dhammaan afarta wiil ee dhalinyarada ahaa ee la toogtay ayay da’doodu ka yareeyd 18 sano, xilliga ay dambiyada galeyeen sida ay xaqiijiyeen guddiga xaqiijinta da’da ee Puntland.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa bayaankooda ku sheegay, in maamulada Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xasuusinayaan, in Axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta, Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta iyo sidoo kale Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, ay dhammaan ku qeexan yihiin, in ilmo uu yahay qof kasta oo da’diisu ka yar tahay 18.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo dhammaan carruurta ku xiran xabsiyada, isla markaana loo gacan geliyo Qaramada Midoobay si carruurta looga taageero dhaqan celinta.

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda
Ad
Previous articleItoobiya oo Muujisay Siday Diyaar Ugu tahay Dagaal ay la Gasho Soomaaliya
Next articleAlshabaab u isku aruursanaayay Galmudug oo Duqayn lagu Garaacay