Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay ka argagaxday saamaynta ka dhalatay samato...

Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay ka argagaxday saamaynta ka dhalatay samato bixinta la haystayaasha Israa’iil

0

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dilkii ciidamada Israa’iil ay u geysteen dad badan oo rayid ah intii lagu guda jiray badbaadinta afar qof oo lagu haystay Qaza Sabtidii in ay noqon karto dambiyo dagaal.

Afhayeen u hadlay xafiiska xuquuqul insaanka ee hay’adda ayaa intaa ku daray in Xamaas ay wajihi karto dacwad la mid ah taas oo ku saabsan in maxaabiista lagu hayo goobaha ay dadku ku badan yihiin.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in in ka badan laba boqol iyo todobaatan Falastiiniyiin ah lagu dilay hawlgalkii badbaadinta ee Sabtidii ka dhacay xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Gaza.

Afarta nin ee Israel ee afduubka loo haystay ayaa dib ula midoobay qoysaskooda.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Gacanta Kusoo Dhigay Rag Ka Tirsanaa Alshabaab
Next articleHunter Biden oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka oo ay maxkamadi dembi ku heshay