Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo Ku amartay Dowlada Soomaliya inay Joojiso Xukunada Dilalka ah

Qaramada Midoobay oo Ku amartay Dowlada Soomaliya inay Joojiso Xukunada Dilalka ah

0

Khabiirka Madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Isha Dyfan ayaa ugu baaqday xukuumadda Soomaaliya inay si deg deg ah u joojiso dhammaan xukunada dilka ah.

Isha ayaa baaqan jeedisay kadib markii ay booqash ku bixisay Soomaaliya 28-kii Maarsho ilaa 2-dii April, taasi oo ay ugu kuurgashay xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

Khabiirka ayaa dhaliishay sida loola dhaqmo iyo xaaladaha ka jira jeelasha Soomaaliya, kuwaasi oo ay sheegtay “inay aad uga hooseeyaan heerka caalamiga ah.”

“Xabsiyadu aad bay u buux dhaafiyeen dadka waawayn iyo kuwa aan qaan-gaarin ee la xirxirey mar walbana lama kala saaro. Waxaa ka sii daran, ciqaabta dilku waa ciqaab sharci ah joojinta isticmaalkeeduna ma jiro. Waxaan u soo jeedinayaa Xukuumadda inay joojiso dhammaan xukunnada dilka ah, isla markaana la dhaqangeliyo hakin KMG ah oo ku saabsan xukunka dilka ah, taasoo ah tallaabada ugu horreeysa ee lagu tirtirayo ciqaabka dilka ah,” ayey tiri Isha Dyfan

“In kasta oo caqabadahaasi ay aad u baaxad wayn yihiin, haddana dowladdu waxay xoojisay qaab-dhismeedkeeda hab-dhaqaneed iyo midka hay’addeed si wax looga qabto horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan dhinaca sarreeynta sharciga iyo maamulka caddaaladda,” ayey tiri.

Isha Dyfan ayaa sidoo kale ugu baaqday Xukuumadda Soomaaliya inay horumariso dedaallada lagu ciribtirayo guurka carruurta, kan degdega ah iyo guurka khasabka ah iyo ilaalinta xuquuqda gabdhaha meelaha jilicsan.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleAkhriso Magacyada iyo Tirada Xildhibaanada Maantay Qaatay Shahaadada Xildhibaanimo
Next articleMuuse biixi oo madaxweyne Farmaajo iyo P.M Rooble u Mahad Celiyay