Home Wararka Maanta Qaramada Midobey oo Waqtiga u kordhiyay Kooxaha La dagaalaynaa Burcad badeeda

Qaramada Midobey oo Waqtiga u kordhiyay Kooxaha La dagaalaynaa Burcad badeeda

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in la kordhiyo joogitaanka ciidamada badda ee caalamiga ah inay la dagaalamaan burcadbadeedda xeebaha Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa u kordhiyay muddo saddex bilood ah oo keliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay doonayso in si buuxda u ay maamusho ammaanka biyaha Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa Qaraarkan  soo diyaarisay, waxaana  si aqlabiyad leh u ansixiyay 15-ka xubnood ee golaha ammaanka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan ayaa sheegay in go’aannada Golaha Ammaanka ee ku saabsan burcad-badeedda iyo dhaca hubeysan ee xeebaha Soomaaliya lagu guuleystay in la gaaro hadafkii laga lahaa.

Danjiraha ayaa sheegay afartii sano ee lasoo dhaafay in aanu biyaha Soomaaliya ka dhicin hal kiis oo burcad badeednimo ah, sidoo kalena aysan jirin cid madax furasho loogu haysto Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in lasoo afjaro howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida isla markaana iyada lagusoo wareejiyo masuuliyadda sugida ammaanka baddeeda.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweynaha Turkiga oo ka badbaaday Isku day Dil waa
Next articleCiidamada uganda oo Looga digay weerar kaga imaada Alshabaab inta lagu gudajiro Ciida Kirismiska