Home Wararka Maanta Qaar ka Mid ah Dhaawacyadii Hotel Xayaat oo Galabtay Muqdisho laga Dhoofiyay(Sawiro)

Qaar ka Mid ah Dhaawacyadii Hotel Xayaat oo Galabtay Muqdisho laga Dhoofiyay(Sawiro)

0

Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde ee magaalada Muqdisho oo maanta laga dhoofiyay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Hotel Xayaat iyo Hoobiyaal lagu soo tuurey Muqdisho oo Dalka gudihiisa wax loogu qaban waayey.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku sagootiyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji aadan iyo xubno ka socdey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dhaawacyada oo tiradoodu gaareysey 7 qof ayaa loo qaadey Dalka aan walaalaha nahay ee Sucuudiga halkaas oo lagula tacaali doono xaaladdooda Caafimaad maadaama Kiisaskan ay ahaayeen kuwo aad u adag una baahnaa in ay hellaan Caafimaad dibadda ah.

Dowladda Sucuudiga ayaa qaadatey Doorka gurmadkan waxaana goob joog ahaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Safiirka Dowladda Sucuudiga, howlwadeeno ka socdey Safaaradda iyo xubno ka yimid Sucuudiga oo sii qaadayey dhaawacyada.

dhaawacyada ayaa ahaa kuwo ku wada dhaawacmey Magaalada Muqdisho, waxaana jira dhaawacyo kale oo laga keeney Magaalada Baladweyne oo qoor kamid ah ay xaaladdahoodu adag tahay waxaana Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ay wadaa dadaalo lagu qaadayo dhaawacyada harsan sida u dhow.

Wasiirka Wasaardda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ka mahad celiyey gurmadka Dowladda Sucuudiga ay u fidisey iyo dowrka ay markasto ka qaadato u gurmashada Shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDagaal Ka Dhacay Degmada Saaxo iyo Dad ku Geeriyooday
Next articleSweden:- Xukun Lagu riday Taksiile Kufsaday 10 Haween ah oo Gaarigiisa raacay