Home Wararka Maanta Qaabkee ayuu u Dhacay Dilka Horjoogihii Badda ee kooxda Al-Shabaab oo Magaalo...

Qaabkee ayuu u Dhacay Dilka Horjoogihii Badda ee kooxda Al-Shabaab oo Magaalo Alshabaab maamulaan oo ku taal Mudug lagu dilay?

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in la dilay Horjoogihii kooxda Al-Shabaab u qaabilsana Badda.

Ciidanka difaaca Shacabka (Macawisley) oo howl-gal culus ka sameeyay deegaanka Galdhabo oo hoostaga magaalada Xarardheere, ayaa halkaasi ku dilay Horjoogihii Badda u qaabilsanaa Al-Shabaab Xarardheere iyo deegaanada hoostaga.

Horjoogahan ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bashiir Ciidle Barre, waxaana lagu dilay howl-galkaasi, sida ay mudug24 u xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka.

Bashiir ayaa la dilay habeen hore salaaddii Maqrib kadib waxaana la xaqiijiyey in dhawaan uu dad shacab ah ku laayay deegaanka Howdley oo hoostaga Xarardheere, ayada oo ugu dambeyntii uu ku baxay gacmaha shacabka hubeysan.

Dilka Bashiir ayaana Ka Dhacay Magaalada Galdhabo oo Alshabaab Maamulaan Taas oo Macawislaydu Dhuumalaysi ku Galeen Kadibna Toogteen Bashiir Waxaana Usuurta Gashay inay ka Baxsadaan Deegaankaas Kadib Dilka Bashijr.

Maalmo kahor ayay aheyd markii howl-gal dhanka cirka ah oo ka dhacay deegaanka Nuun-Garre oo hoostaga degmada Awdheegle lagu dilay laba horjooge oo muddooyinkii dambe si aad ah loogu raadjoogay.

Labada horjooge ee lagu dilay howl-galkan ayaa kala ahaa; Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa horjoogihii deegaanka Bariire iyo horjoogihii baadda iyo boobka dadka beeralayda ah u qaabilsanaa Khawaarijta kaasi oo lagu magacaabi jiray Saabir.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Dowladda federaalka Soomaaliya oo dalab deg-deg ah oo ka dhan ah heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed ku gaareen Addis Ababa u dirtay….
Next articleIngiriiska oo ka hadlay mowqifkiisa heshiiskii is-afgarad ee lagu saxiixay Addis Ababa