Vladimir Putin ayaa sheegay in Russia aysan qorsheyneyn inay weerarto dal ka mid ah NATO, ama Poland, amd dalalka Baltic ama Jamhuuriyadda Czech, balse haddii Reer Galbeedka ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay ciidamada Ruushka soo ridi doonaan.
Isagoo la hadlayay duuliyayaasha ciidamada cirka ee Ruushka, Putin waxa uu sheegay in isbahaysiga milatari ee Maraykanka uu hogaaminayo ay usoo ballaaranayeen dhanka bari ee Ruushka tan iyo dhicistii Midowgii Sofiyeeti ee 1991-kii balse Moscow aanay qorshaynayn in ay weerarto dal ka tirsan NATO.
“Fikradda ah inaan weerari doonno qaar ka mid ah dalal kale – Poland, Dalalka Baltic, iyo Czech ee laga baqayo – waa wax aan macno lahayn. Waa uun nacasnimo.”
Kremlin-ka, oo Mareykanka ku eedeeya in uu la dagaallamayo Ruushka, isagoo ku taageeraya Ukraine lacag, hub iyo sirdoon, ayaa sheegay in xiriirka Washington uu marayo halkii ugu xumeyd.
“Haddii ay siiyaan F-16, arrintan oo ay ka hadlayaan, oo ay u muuqdaan inay tababarayaan duuliyeyaasha, tani ma beddeli doonto xaaladda furimaha dagaalka,” ayuu yiri Putin.
“Waxaan u burburin doonnaa diyaaradahan sida aan maanta u burburinay taankiyada, baabuurta gaashaaman iyo qalab kale oo ay ku jiraan gantaallo badan.”
Putin ayaa sheegay in F-16 ay sidoo kale xambaari karaan hubka Nukliyeerka.
“Dabcan, haddii lagu isticmaali doono garoommada diyaaradaha ee dalal saddexaad, waxay noo noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah, meel kasta oo ay ku yaalliin,” ayuu yiri Putin.
Ukraine, oo hadda in ka badan laba sano ku jirta dagaal buuxa oo ka dhan ah Ruushka, ayaa raadinaysay F-16 muddo bilo ah.