Ruushka waxa uu haystaa kayd gantaallo cusub oo awood leh “diyaarna u ah in la isticmaalo”, ayuu yiri madaxweyne Vladimir Putin, maalin uun ka dib markii dalkiisu gantaal cusub oo nuuca riddada dheer ah ku riday magaalada Dnipro ee dalka Ukraine.
Khudbad aan horay loo sii qorsheyn oo laga sii daayay telefishinka, ayuu hoggaamiyaha Ruushka ku sheegay in gantaalka Oreshnik uu ahaa mid aan la joojin karin, wuxuuna ballan qaaday in uu sameyn doono tijaanooyin kale oo dheeraad ah, oo ay ku jiraan “jawiyada dagaalka”.
Isticmaalka Ruushka ee gantaalka Oreshnik ayaa soo afjaray toddobaad colaadeed oo sii kordhaysay taasoo sidoo kale keentay in Ukraine ay markii ugu horreysay gantaallada Mareykanka iyo Ingiriiska ku riddo Ruushka.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha caalamka inay bixiyaan “jawaab dhab ah” si Putin “uu u dareemo cawaaqibka dhabta ah ee ficilladiisa”.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay