Home Wararka Maanta Puntland oo taageero wayn u muujiyay madaxweynihii hore ee HirShabelle

Puntland oo taageero wayn u muujiyay madaxweynihii hore ee HirShabelle

0

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa taageero wayn u muujiyay madaxweynihii hore ee HirShabelle, haddana ah ku xigeenka Xoghayaha guud ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo dhowaan si weyn loogu dhaleeceeyay khudbad uu ka jeediyay magaalada Garoowe, taas oo uu uga hadlay xiisadda u dhexeysa waddamada Itoobiya iyo Masar.

Madaxweyne Saciid Deni oo hadal ka jeediyay Garoowe ayaa taageeray Maxamed Cabdi Waare, wuxuuna sheegay inuu ku raacsan yahay hadalka uu yiri ee ka dhanka ah imaatinka Masar.

“Inkastoo dhaliilo badan uu la kulmay Waare warkiisii, laakiin aniga waan ku waafaqsanahay waa xaqiiqo jirto in meeshaas ay wax ku socdaan” ayuu yiri Saciid Deni.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Hadalka marka uu qofka adeegsanaayo ma’aha maanta, beri iyo saa dambe ayay dhaceysaa laakiin saa-saanka ay hadda wax ku socdaan haddii lagu sii eegto oo ayaamo sii socdaan 10  sano ee soo socdo xaalka sidaan waa ka duwanaanaa”.

Waare oo ka qayb-galayay shir sanadeedka Nabadda ee PDRC ayaa dhowaan si aan gambasho lahayn uga hadlay loolanka Itoobiya iyo Masar ee Soomaaliya, kaas oo sii xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay, wuxuuna sheegay in labada dal ee Itoobiya iyo Masar aanay wax dan ah u ahaynin Soomaaliya, waxaana uu si weyn uga horyimid in xilligan Masar lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho, isaga oo su’aal ka keenay halkii ay jirtay 30-kii sano ee ay burburka la daala dhaceysay Soomaaliya.

“Itoobiya iyo Masar nin annaga qaraabo nala ah ma jiro 30 sano ayaan halkan joognay nooma imaan maxay hadda soo dooneen?. Qiil ayaan u raadineynaa Masar annagoo leh Islaam waayay, haddii ay Islaam tahay 30-kii sano ee la soo dhaafay xagee jireen?” ayuu horay u yiri Maxamed Waare.

Dhankiisa waxaa isna soo hadlay wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad oo u caqli celiyay Waare, wuxuuna kula taliyay kula taliyay xoghaye ku-xigeenka IGAD inuu ka gaabsado siyaasadaha is-diidan ee dalalka xubnaha ka ah urur-goboleedka IGAD.

“Walaalkeey Waare inta uu yahay ku Xigeenka Xoghayaha fulinta IGAD, marka uu fagaare joogo ama uu saxaafad la hadlayo laba middood ayaa la gudboon. Waa in uu gebi ahaanba ka aammuso siyaasadda dalalka IGAD oo ay ku jirto Soomaaliya iyo xiriirradooda caalamiga ah” ayuu isaguna yiri wasiir hore Yuusuf Garaad Cumar.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowladda Itoobiya oo qaaday tallaabo horleh oo ku aadan damaceeda ku aadan in ciidamadeeda ay sii joogaan gudaha Soomaaliya
Next articleTaliye Sulub Xaflad lagu sabootinaayo oo Muqdisho ka Socata Yaa Lagu Badalayaa?