Dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag uga hortimid go’aankii dhawwaan kasoo baxay wasaaradda wasaaradda Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya oo ku aadanaa in dalka laga mamnuucayo isticmaalka baraha Tiktok,Telegram iyo 1Xbet.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in aysan Puntland waxba ka khusayn go’aanka kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ee fadhigeydu yahay Muqdisho.
Waxa uu sheegay wasiirka in shirkadaha isgaarsiinta ee ka jira Puntland aysa fulin karin go’aannada kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya, waxa uuna cadeeyay in barahan bulshada ay sidoodii uga shaqeenayaan deegaannada Puntland.
“Kuma khasbana shirkadaha Isgaarsiinta Puntland in ay fuliyaan go’aanka xukuumadda Soomaaliya mana fulin karaan amarada Magaalada Muqdisho ka soo baxay” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland Eng Maxamuud Caydiid Dirir.
Hadalkan kasoo yeeray maamulka Puntland ayaa imaanaya xilli xukuumadda Soomaaliya shaacisay in 24-ka bishan la xirayo baraha bulshada ee aadka u isticmaalaan dhallinta ee kala ah Tiktok, Telegram iyo 1Xbet.
Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula
War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu