Home Wararka Maanta Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

0

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer.

War kooban oo kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay gabi ahaanba sifeeyeen godadkii ay ku jireen xubnaha Daacish, iyada oo howlgalka uu haatan marayo gabagabada wejigiisii saddexaad ee la dagaallanka kooxdaas.

Intii uu socday howlgalkaas, ciidamada Puntland ayaa dhinaca kale la kulmay iska caabin xooggan, taasoo keentay in dhowr askari oo ciidamadooda katirsan nolashooda ku waayaan howlgalka.

Waa markii ugu horreysay oo Puntland iyo kooxda Daacish ay si fool ka fool ah isaga hor yimaadaan dagaal toos ah oo socday muddo ku dhow 12 saacadood, tan iyo bishii Febraayo ee sanadkan.

Wararka ayaa sheegaya Daacish ay si adag difaac uga xirteen buuraha ay ku dhuumaalaysanayeen, iyaga oo hub culus iyo qoryaha darandooriga u dhaca ku rakibtay buuraha dushooda.

Weli lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee dhinacyada ka soo gaaray howlgalka, hase yeeshee maamulka Puntland ayaa sheegay in uu maalmaha soo socda kasoo saari doono faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan natiijada howlgalka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray
Ad
Previous articleDowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish
Next articleDagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o