Home Wararka Maanta Puntland oo sheegtay in Madaxweyne Xasan Shiikh uu Colaad ka abuuro Gaalkacyo...

Puntland oo sheegtay in Madaxweyne Xasan Shiikh uu Colaad ka abuuro Gaalkacyo Markasta uu Xil Qabto

0

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheikh Cali (Jifojabsade), ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay colaad ka dhex abuurayso Puntland iyo Galmudug, isagoo sabab uga dhigay diiwaan gelinta ay hay’adda NIRA ka waddo magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha ayaa xusay in mar kasta oo madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu xafiiska yimaado, uu huriyo colaad ka dhex dhacda maamulada Puntland iyo Galmudug. isagoo sheegay haatan inay muuqato in mar kale dowladda Federaalku isku dayayso colaaddaas.

Guddoomiyaha Mudug wuxuu sidoo kale sheegay in hay’adda NIRA ay degmooyin ka tirsan Puntland ku dartay Galmudug, taasoo uu ku tilmaamay isku day lagu qalqal gelinayo bulshada, iyo in la abuuro xasillooni darro.

Wuxuu shacabka Puntland uga digay inay iska diiwaan geliyaan aqoonsiga NIRA, isagoo sheegay in Puntland iyo Dowladda Federaalka aanay lahayn wax heshiis oo ku saabsan diiwaan galinta aqoonsiga qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Foom ay leedahay hay’adda NIRA ayaa dhawaan kasoo muuqday baraha bulshada kaasoo degmooyinka Jarriiban iyo Galdogob ee gobolka Mudug ku darayay degaanada Galmudug.

Arrintaan oo ay ka horyimaadeen labada degmo ayaa xiisad ka dhex abuurtay labada maamul, iyagoo hawada isku mariyay hadalo xiisado colaadeed kicin kara.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMagaalada Tottenham ee dalka Ingiriiska oo lagu dilay Wiil Somali ah
Next articleHay’adda NIRA oo beenisay in deegaano ka tirsan Puntland ay ku dartay Galmudug