Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan dhamancad ayaa ku Eedeyay Odayaasha dhaqanka ku nool Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug inay la Shaqeeyaan Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay cadeyn u hayaan.
Wasiirka oo Wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Daljir oo ka tirsan Ururka SOMA ayaa sheegay in la dhageystay qaar kamid ah taleefoonada Odayaasha Dhaqanka, isla markaana ay ka Shaqeynayaan in Al-Shabaab Xarumo ka furtaan magaalada Gaalkacyo si amaradooda uga fulaan.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in xukuumadda Madaxweyne Deni dadaal farabadan oo ay bixisay ay sababtay in laga hortago khataraha Ururada Al-Shabaab & Daacish ee ahaa inay Xafiisyo ka furtaan Gaalkacyo & Boosaaso.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka