Wasiirka Dekadaha iyo La-dagaalanka Denbiyada Badda ee Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa ka warbixiyey Markab Jimcihii lasoo dhaafay ay afduubteen kooxo loo maleynayo burcad-badeed.
“Ragga afduubtay markabka waxay u abaabulan yihiin sidii burcadii, baasuukayaal iyo BKM ayey ku hubeysan yihiin, sawirrada uu Satarleydu ka qaaday waxay muujinayaan inay gaarayaan 15 qof,” ayuu yiri wasiirka dekedaha Puntland.
Wasiirka ayaa u waramay VOA isagoo ku sugan magaalada Garowe, wuxuuna sheegay in dembiyada noocaan ah dhowr jeer laga hor tegay.
“Inta badan fal dembiyeedka noocaan ah waxaan ku burburi jirnay xeebaha, laakiin kan waa dhacay ka tabatagiisa ayaana ku howlanahay,” ayuu yiri wasiirka dekedaha Puntland Axmed Yaasiin.
Wuxuu sheegay in maanta uu xeebaha Soomaaliya ka soo galay dhanka Xaafuun, isla markaana ay toos ula socdaan, wuxuuna sheegay inuu socdo howlgal lagu badbaadinayo markabkaas.
“Markabka la qafaashay wuxuu u socdaa tartiib oo xawaare badan malahan, Markab kale oo ciidan oo Hindiya laga leeyahay ayaa daba socda, waana ka daba dhowyahay, dhanka gacankana waa laga soo baxay, waxaan rajeyneynaa in tuugada la qabto, saacadaha soo socdana aan soo gudbino xogta Markabkaas oo bad qaba, insha allah,” ayuu yiri wasiirku.
Markabkaan oo weli badda ku dhex socda ayaa lagala socdaa Map-ka, wuxuuna wasiirku sheegay in biyaha Soomaaliya uu soo galay maanta duhurkii.