Home Wararka Maanta Puntland oo Markale Maantay Soo Saartay Go,aano Culus

Puntland oo Markale Maantay Soo Saartay Go,aano Culus

0

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo saameynayaa warbaahinta madaxa bannaan ee ka howlgasha deegaannada maamulkaasi, kaas oo la xiriira dagaalka lagula jiro Daacish.

Wasaaradda warfaafinta Puntland oo warqad soo saartay ayaa Wariyeyaasha ka mamnuucday inay xiriir toos ah la sameeyaan kooxda, oo ay haatan Puntland kula dagaalamayso dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Sida lagu sheegay qoraalka oo kasoo baxay xafiiska Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir in go’aanan uu ujeedkiisa yahay amar guud oo lagu soo rogay bahda saxaafadda Puntland, isla markaana looga gol-leeyahay in lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqa Daacish.

Go’aannada lasoo saaray ayaa waxaa kamid ahaa:-

1-In aan la aadi karin furimaha dagaalka lagula jiro argagixisada iyadoo aaan ogolaansho laga haysan wasaaradda warfaafinta.

2-In aan goobaha hawl-galka lagu casuumi karin cid aan ogolaansho looga hayn wasaaaradda.

3-In aan la baahin karin xogta hawl-galka oo aan laga helin ilaha rasmiga ah ee ay dowladda ugu talo-gashay.

4-In aan wax xiriir ah lala yeelan karin kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalamaya buuraha Calmiskaas.

Si kastaba, Puntland ayaa qaaday guluf ka dhan ah kooxaha argagixisad ah ee ku suga aagga dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo qorshuhu yahay in laga xoreeyo.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleDiyaarad Drone ah oo Qaraxya Siday oo Xalay lagu arkay Madaxtooyada Soomaaliya
Next articleDonal Trum oo Amar uu bixiyay Maantay ka Fulay Soomaaliya